Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin

Midowga musharraxiinta ayaa soo dhaweeyay shaqo ka joojinta uu Ra’isul Wasaare Rooble shaqada kaga joojiyey Agaasimaha NISA. Waxayna ku tilmaameen go’aankaas inuu u yahay fure sidii ay caddaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay.

Qoraal ay soo saareen goordhow Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay ku tilmaameen qoraal uu soo saaray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ugaga soo horjeestey shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin inuu carqaladaynayo caddaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil,laguna qalqal gelinayo amniga dalka iyo kan doorashoyinka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida ay inay fuliyaan amarka Ra’iisul Wasaaraha iyagoo uga digey inay milmaan siyaasada ayna ku kadsoomaan amarka ka soo baxay Farmaajo.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More