Miinooyin lagu burburiyay dhisme ku yaal garoonka diyaaradaha Buulo-burte

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyo miino oo lagu burburiyay qeybo kamid ah dhismayaal kuyaala garoonka Diyaaradaha magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan dhismayaal dhawaan laga dhisay garoonka oo loogu tala galay in dadka safraya iyo kuwa imaanaya ku nastaan lagu xirey miinooyin kadibna la burburiyay.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan lagu burburiyay dhismayaasha ku yiil garoonka diyaaradaha magaalada Buuloburte.

Waa markii labaad ee garoonka diyaaradaha magaalada Buulo Burte lagu burburinayo miino.
garoonka ayaa maalin walba waxaa ka dega diyaarado rakaab sida iyadoo magaalada Buuloburte dadka ku nool badankood ay adeegsadaan safarada diyaaradaha dalka isaga goosha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More