Mike Pompeo oo booqday Dhulka Israel ay haysato

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa Khamiista maanta ah noqday diblamaasigi ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda dhulka ay Israel heysato ee Daanta Galbeed.

Pompeo ayaa tagay xaafado ay Israel ka sameysay deegaameyn oo ay hadda ku noolyihiin qoysas Israa’iiliyiin ah. Sidoo kale waxa uu booqan doonaa Buuraleyda Golan Heights, oo ah dhul istaraatiiji ah oo ay Israel ka qabsatay Suuriya, sannadki 1967-kii.

Madaxweyne Trump ayaa Golan Heights sannadki hore u aqoonsaday dhul ay Israel leedahay, taasoo ay cambaareeyeen bulshada caalamka.

Heysashada Israel ee Daanta Galbeed, ayay Falastiiniyiinta iyo bulshada caalamka u arkaan xadgudub lagu xadgudbay Qaanuunka Caalamiga ah, sidoo kale waxaa loo arkaa caqabada ugu weyn ee ku hor-gudban nabad ka laga dhex-dhaliyo Israil iyo Falastiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More