Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay safiirka dowladda UK u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay xilliga kala guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray caqabadaha hor taagan doorasho heshiis lagu wada yahay oo Soomaaliya ka dhacda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) ayaa uga mahad celiyay safiirka dowladda UK u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender taageerada ay mar walba siiyaan Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku soo qulqulaya musharaxiinta madaxweynaha dalka Soomaaliya waxaana jira khilaaf ku saabsan magacaabista guddiga doorashoyinka iyadoo inta badan musharaxiinta ay ka soo horjeedaan xubnaha guddigan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More