Milatariga Sudan iyo Kooxda RSF oo markale Xabad joojin gaaray

Apr. 30 (Jowhar.com)-Kooxda gargaarka deg-degga ah ee (RSF) iyo ciidamada Sudan ayaa ku heshiiyey inay ku kordhiyaan xabbad joojinta bini’aadantinimo muddo 72 saacadood ah laga bilaabo saqda dhexe ee habeenimada isniinta soo galayso waqtiga dalka Sudan.

Ciidamada Suudaan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay isku raaceen in muddo 72 saacadood ah lagu kordhiyo xabbad joojintii ay la galeen jabhadda RSF, taasoo ka bilaabanaysa dhammaadka qorshaha xabbad-joojinta ee hadda jirta.

Booliska Suudaan ayaa la soo dhoobay waddooyinka caasimadda Khartoum ee xarunta kaydka dhexe si ay ammaanka u sugaan.

Ciidanka ayaa sheegay in inkasta oo fallaagada ay damceen in ay isku dayaan in ay weeraraan goobaha qaar haddana ay rajeynayaan in ay u hoggaansamaan xabbad joojinta. Dadku waxay ka faa’ideysanayaan xabad joojinta iyagoo ka cararaya caasimadda Suudaan sababo kala duwan awgood.

“Dadku waxay ka qaxayaan Khartoum ma aha oo kaliya xaaladaha bini’aadantinimo iyo bambooyinka ku soo dhacay guryaha rayidka, laakiin sidoo kale waxaa sabab u ah bililiqada dadka rayidka ah ee waddooyinka, iyo xitaa gudaha guryahooda,” ayuu u sheegay mid kamid ah saxafiyiinta ku sugan magaalada Khardoum .

Dadka ayaa si aad ah uga soo qaxaya Suudaan si ay uga sii gudbaan xadka Chad, taasoo sare u sii qaadaysa cabsida laga qabo dhibaato bini’aadantinimo.

Mareykanka ayaa markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka u diray dalka Suudaan si uu gacan uga geysto daadgureynta muwaadiniinta Mareykanka ee ku go’doonsan dalkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday horraantii bishan, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa sheegtay in diyaarad ay ku degtay Port Sudan taasoo sidey sideed tan oo sahay gargaar ah, oo ay ku jiraan xirmooyinka caafimaadka ee isbitaallada.

In ka badan 70% xarumaha caafimaadka ee caasimadda ayaa lagu qasbay in ay xirmaan kadib dagaalka qarxay 15kii Abriil.

Tirada dadka ku dhintey dagaalada ka socda Sudan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 500 oo ruux, iyadoo tirada dhabta ah ee dhimashada iyo dhaawaca la filayo in ay intaas ka badan doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More