Museveni oo ku eedeeyay Soomaaliya iyo Kenya in laga soo abaabulay qaraxyo ka dhacay Kampala

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Yoweri Museveni oo Wareysi siiyay Reuters ku sheegay in dowladiisu heshay cadeeymku aadan in weeraradaas ay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya, iyada oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Kooxda Daacish.

Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Kooxda Daacish, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa lix qof halka 30 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan dad rayid ah.

Hase yeeshee dowlada Uganda ayaa u dirtey ciidamo gudaha dalka Kongo halkaasoo ay xarumo ku leeyihiin urur islaami ah oo taabacsan ururka IS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More