Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay carruur ku geeriyootay Muqdisho

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay geerida shan carruur ah oo maanta ku geeriyootay xaafad ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kadib markii ay qaadeen daadad ka dhashay roob ka da’ay Muqdisho.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khadka Telephon-ka uga tacsiyeeyey Aabbe Xassan Cabdullahi Gacal oo shan ka mid ah caruurtiisa uga dhinteen roobabkii xalay ka da’ay magaalada muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u gargaaraan aabahan shanta carruurta ah ay ugaga geeriyootay roobabka ka da’ay Muqdisho.

“Waxaan naftayda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay gargaar u fidiyaan Aabe Xasan iyo Qoyskiisa.”ayuu ku daabacay boggiisa Facebook Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More