Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
Mar 4 (Jowhar.com)-Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa la yeeshay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry André , waxaana uu kala hadlay arimaha doorashooyinka.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Soomaaliya ayaa Musharax Daahir Geelle iyo Safiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii dalka looga kala gudbin lahaa xaaladda kala guurka ah.
“Waxaan la kulmay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya mudane Larry André oo igu casuumay xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka ku sugan yahay, marxaladda kala guurka ah iyo sida looga gudbi karo” ayuu yiri Daahir Geelle.
Waxaa uu u mahad celiyay dadaalka dowladda Maraykanka ee garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee marxaladda adag ee lagu jiro.