Mustaf Cagjar “Shabaab ma khalkhal galin karto amniga dowlad deegaanka”

July 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Al-Shabaab aanay khalkhal gelin karin amniga deegaanka.

“Waxaan ku kalsoonahay in amaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta dabada ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen!” ayuu madaxweyne Mustafa ku soo qoray bartiisa Facebook.

Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu u mahadceliyay shacabka deegaanka: “Waxaan si wayn ugu mahadnaqayaa shacabka Deegaanka Soomaalida ee muujiyay midnimo aan horay loo arag, is garab taagayna halyeeyadooda.”

Madaxweynaha deegaanka ayaa maalmahaan ka maqnaa magaalada caasimadda ah ee Jigjiga isaga oo ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobollada Afdheer iyo Shabeelle. Marka laga yimaado fariintaan uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaa si guud u muuqanaya in madaxda deegaanku ay ka gaabsanayaan ka hadlidda xaaladaha hadda taagan.

Deegaannada ay dagaalladu ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa u badan deegaanno miyi ah oo mararka qaar laga yaabo in aanay dadba deggeneyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More