Diyaarado duqeeyay deegaanka Toora-tooroow iyo ciidan gudaha u galay.

July 26 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo saqdii dhexe ee xalay laga fuliyay deegaanka Toora-tooroow oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo sidoo kale ay deegaanka gudaha u galeen ciidamo ka daatay diyaradda.

Wararka ayaa tilmaamaya in laba diyaaradood ay duqeymo xooggan ka fuliyeen deegaanka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xalay aysan ka seexan dhawaqa diyaaradaha iyo madaafiicda ay ridayeen, iyagoo tilmaamay ineysan garan karin xadiga khasaaraha.

Dadka deegaanka oo diiday in magacooda la xuso arrimo amni darteed ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidan ka degtay diyaaradaha ay howlgal ka sameeyeen gudaha degaanka Toora-tooroow, halkaasna ay ka wateen 10 dhalinyara ah oo lagu sheegay iney ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo saldhig iyo maxkamado waaweyn ku leh deegaankan.

Si kstaba, majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo Shabaab iyo dowladda ay ka soo saareen howlgalkan culus, Mareykanka ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu faah faahiyo howlgaladan iyo khasaraha ka dhashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More