Muuse Biixi oo u yeertay mucaaradka, si uu ugala hadlo dagaalka Sool

Aug 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray hoggaamiyaasha mucaaradka ee Somaliland.

Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, madaxweyne Biixi iyo siyaasiga Cabdiqaadir Jirde, ayaa hadda kulan uga socdaa madaxtooyada Somaliland.

Sida wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay tilmaamayaan, Kulankan ayaa lagaga arrinsanayaa dagaalkii shalay ee Sool.

Somaliland ayaa jab xooggan kasoo gaaray dagaalkii shalay oo lagaga qabsaday deegaano dhowr ah, iyadoo maxaabiis saraakiil ay ku jiraan lagu qabtay dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More