Maxaa looga hadlayaa shirka golaha wadatashiga qaran ee maanta ka furmaya Dhuusamareeb?

Aug 26 (Jowhar.com)-Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ka furmaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas diiaradda lagu saarayo ‘amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.’

Madaxweynaha Galmudug oo shirkan martigelinaya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxda ka qeybgaleysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen R’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Benaadir, iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo u ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay la wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta Al-shabaab.

Kahor Ceelbuur, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay tuulada Dac oo qiyaastii 18-kiilo mitir dhanka Koofur Bari ka xigta Ceel-buur.

Maalmihii ugu dambeeyay cidamada ayaa qabsaday Cosweyn, Wabxo, War Xoolo, Dac iyo tuulooyin kale oo yar yar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More