Xogta socdaalka uu gudoomiye Aadan Madoobe ku aaday dalka Talyaaniga

Oct 08 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka siinaya gudoomiyaha baarlamaanka dalka Talyaaniga xaalada guud ee dalka, horumarka dowladda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Waxa uu sidoo kale ka dalban doonaa sidii taageero ay u siin lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii labada baarlamaan ay wada shaqeyn joogta ah u yeelan lahaayeen.

Sheekh Aadan Madoobe kahor, waxaa isna saaka dalka ka dhoofay madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Eritrea oo uu kula kulmayo madaxweynaha wadankaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More