Nin ku hubeysan Qaanso iyo Fallaar oo dhowr ruux ku diley magaalo ku dhow caasimada dalka Norway

Dhowr ruux ayaa ku dhintay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay magaalada Kongsberg ee dalka Norway, sida ay sheegeen booliska deegaanka.

Qofka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystay ayaa adeegsanayey qaanso iyo leeb, sida uu afhayeenka degmada booliiska koonfur -bari ee Norway oo ay ku jirto Kongsberg u sheegay CNN.

Eedeysanaha ayaa dhowr goobood ku weeraray dadka ka hor inta aan la xirin, ayuu yiri afhayeenka.
Boolisku ma xukumin in weerarku uu la xiriiro argagaxiso.

Mar la weydiiyay in xaaladda loola dhaqmo sidii argagixiso, sarkaal saxaafadeed oo ka tirsan booliiska Norway ayaa yiri “wali ma cadda, waa xilli hore in la sheego.”

Magaalada Kongsberg waxay ku taalaa 85 kiiloomitir (qiyaastii 53 mayl) galbeedka caasimada Norway ee Oslo.

Wadanka Norway caadiyan waa dal nabdoon laakiin waxaa ku dhacay weeraro ay geysteen dad ka tirsan midigta-fog.

Anders Behring Breivik oo ah xagjirka garabka midig ayaa qaaday laba weerar oo mataano ahaa oo ay ku dhinteen 77 qof 22 kii bishii July 2011.

Breivik ayaa markii hore bam ku qarxiyay caasimadda Oslo meel ku dheggan dhismaha uu ku yaal xafiiska ra’iisul wasaaraha, ka dibna wuxuu ku dhex maray xarun ay dhallinyaro garabka bidix ee jasiiradda Utoya ku tamashleynayeen.

Bishii Ogosto 2019, nin isku magacaabay Neo-Nazi Philip Manshaus ayaa rasaas ku furay masaajid ku yaal duleedka Oslo ka hor inta aysan ka adkaan dadka cibaadaysanaya, iyadoo aysan jirin cid si xun u dhaawacantay.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu horay u toogtay walaashii oo ay ilmo adeer ahaayeen, taasoo dacwad oogayaashu ku tilmaameen ‘fal cunsurinimo’.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More