NISA oo Baydhabo ku xirtay wariyayaal safar usoo ahaa magaalada Muqdisho.

Nov. 30 (Jowhar.com) -Ciidamada Nabad Sugida ee maamulka Koofur Galbeed ayaa saaka magaalada Baydhabo ku xiray saddex suxufi oo maalmihii la soo dhaafay arrimo shaqo u joogay xarunta gobolka Baay.

Suxufiyiinta xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah; Weriye Mohamed Ibrahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS; Hanad Ali Guled oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS; iyo tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xariga wariyayaashan, iyadoo laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo xili ay safar usoo ahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaatay gaari Cabdi Bile ah oo dusha ka furan.

Ururka Suxufitiinta ee SJS oo xaqiijiyay xarigga wariyayaashan ayaa maamulka Koofur Galbeed ka dalbaday iney si shuruud la’aan ah kusii daayaan wariyayaashan.

“SJS waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah ee ka dhacay garoonka Baydhabo saaka ee lagu beegsaday hawl-wadeennada Somali Journalists Syndicate – SJS.  Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siidaayo saddexda hawl-wadeen ee sharci darrada ku xiran” ayaa lagu yiri qoraalka SJS.NISA oo Baydhabo ku xirtay wariyayaal safar usoo ahaa magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More