NISA oo gacanta ku dhigtay 25 qof oo dooneysay iney ku biirto Shabaab

Nov 07 (Jowhar.com)-Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Al-Shabaab.

Xubnahan oo watay Gaari nuuca loo yaqaano Caasiga kana soo baxay deegaan hoos taga degmada Afgooye ayaa gcanta Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka soo galay xilli ay doonayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay in loo waday in la askareeyo kuna biiraan Maleeshiyaadka Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More