Premier Bank oo ardayda Jaamacadaha ee leh hal-abuurka ganacsi ku tartansiinaysa $21,000

April 16 (Jowhar.com) Bangiga Premier ayaa maanta daahfuray tartanka hal-abuurka ganacsiga oo uu markii ugu horreysay maanta Muqdisho ugu qabanayo ardeyda dhigata jaamacadaha ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi.

Madaxa Ganacsiga Premier Bank Mudane Cabdishakuur Afrax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay tartanka soo codsadeen ilaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeya qiimeyn. Waxa ka soo gudbey qiimeyntii guddida 12 hal-abuure oo ka kala yimi 10 jaamacadood, kuwaas oo maanta tartankan loo daahfuray.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Bangiga Mudane Axmed-Nuur Maxamed ayaa sheegay in tartankan laga baahin doono warbaahinta. Mudane Axmed-Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tartamaha gala kaalinta koowaad uu bangigu ku abaalmarin doono $9,000 oo uu hal-abuurkiisa ganacsi ku maalgashado. Guuleystaha gala kaalinta labaad uu ku guuleysan doono $7,000. Tartamaha ku guuleysta kaalinta seddaxaadna uu heli doonno $5,000.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay tartankan Muqdisho ku qaban doonaan sanad kasta. Wuxuuna ardeyda jaamacadaha ee aan fursadda u helin in ay sanadkan ka qayb galaan ugu baaqay in ay u sii diyaar garoobaan ka qayb galka tartankan sanadaha soo socdo. Wuxuuna ballan qaaday in uu bangigu fikirkiisa u maalgelin doono ardaygii ku guuleysta.

Waxaa xusid mudan in Premier Bank Somaliland tartankan wakhti hore ka curiyey Somaliland, iyada oo ay ku tartamaan ardeyda jaamacadaha Somaliland, taasoo uu sannadkii shanaad si joogto ah uga socdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More