Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Buundo Cusub oo laga dhisey degmada Wadajir

June. 01 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyay wadada Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir.

Buundadan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga dhiso magaalada Muqdisho ayaa loogu talogalay inay isticmaalaan dadka lugta ah gaar ahaan ardayda wax ka barata iskuulada ku yaal xaafada Buulo Xuubey.

Furitaanka buundadan oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka banaadir iyo kan degmada Wadajir ayaa waxaa hadal kooban oo uu ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale waxa uu ku sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan buundooyin kale oo gaadiidka ay isticmaali karaan.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay xarig jarida buundadan iyo qaar ka mid ah ardayda magaalada Muqdisho ayaa lagu bilaabay isticmaalka buundada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More