Puntland oo saluug ka muujisay shir ka dhacay magaalada Miqdisho.

Sept. 08 (Jowhar.com)-Wasaarada Ganacsiga maamulka Puntland ayaa qaaddacday shir weyn oo dowladda Soomaaliya ay ku qabatay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay ineysan qeyb ka eheyn shirkaaso oo ay wada qabteen Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya iyo Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka, shirka waxa uu dhacay intii u dhexeysay 5-6 September 2022.

“Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga dawladda Puntland Waxay  cadaynaysaa in aysan waxba kala socon goob jogna ka ahayn shir wadatashi oo ay qabteen Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha DFS iyo  Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka oo ka dhacay Magalaada Muqdisho 5-6 September 2022” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga Puntland.

Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa sheegtay inaysan qayb ka ahayn Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka, iyagoo ku faanay iney leeyihiin tayo-dhowr fac-wayn oo leh xeerar iyo shuruuc golayaasha Puntland ansixiyeen.

” Sido kale Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa  inaysan qayb ka ahayn Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka islamarkana dawladda Puntland ay leedahay tayo-dhowr fac-wayn oo leh xeerar iyo shuruuc golayaasha dawladda Puntland ansixiyeen” ayey hadalkooda kusii dareen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa saluuga Puntland ay ka muujisay shirkan muhiimka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, mana jirto wali wax jawaab ah oo xukuumada ay arrintan ka soo saartay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More