Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galay dalka Masar.

Sept. 08 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruse ayaa ka qeyb galay shirka 158aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamaca Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dowladaha Carabta iyo arrimaha hadda taagan ee dhinacyada Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Arrimaha Soomaaliya ayaa la isku soo qaaday sidii garab looga siin lahaa wax ka qabashada amniga iyo abaaraha.

Wasiir Huruuse waxaa la filayaa inuu la kulmo wasiirada ka socda dalalka Carabta oo uu kala hadlo xiriirkooda Soomaaliya iyo sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dhinacyada amaniga iyo gurmadka abaarta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More