Qaramada Midoobay oo shaacisay Hoggaamiyaha Dhabta ah ee Al qaacida

Feb. 16 (Jowhar.com)-Warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay ka soo saartay ururka Alqaacida ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha saxda ah ee ururkaas uu yahay Sif al-Adel oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada gaarka ah ee Masar,madaxiisana Maraykanka uu dul dhigay 10 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Al Qaacida ayaan si rasmi ah u magacaabin ninka bedelay Ayman Al-Zawahiri, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Kabul sannadkii hore, taasoo dhabar-jab ku ah ururkaas tan iyo markii la dilay aasaasihii ururka Osama Bin Laden sannadkii 2011-kii.

Inkasta oo sarkaal ka tirsan sirdoonka Maraykanku uu bishii Jannaayo sheegay in dhaxal-sugaha Zawahiri aanu caddayn, haddana warbixinta Qaramada Midoobay ee qiimaynaysa khatarta kooxda ayaa lagu sheegay Seif al-Adel uu u shaqaynayo sidii hoggaamiyaha kooxda aan lala tartamin.

Si ka duwan kuwii isaga ka horreeyay ee la dilay ee sumcadda sare ku lahaa muuqaallo iyo codad la soo duubo ayuu Adel waxa uu u qorsheeyaa weeraro aan la ogaan karin, isagoo gacan ka geystay inuu Al-Qaacida u beddelo kooxda xagjirka ah ee ugu dilka badan adduunka.

Xeerbeegti heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa Adel waxa ay ku soo oogtay bishii Nofambar 1998 dacwad ah, doorkii uu ku lahaa weeraradii bambaano ee safaaradaha Maraykanka ee Tanzania iyo Kenya ee lagu dilay 224 qof oo rayid ah laguna dhaawacay in ka badan 5,000 oo kale.

Waxaa jira sawirro yar oo isaga ah, marka laga reebo saddex sawir oo madow iyo caddaan ah waxaana uu ku jiraa liiska FBI-da ee sida weyn loo doondoonayo.

Marka laga soo tago hawlgallada Afrika, xerooyinkiisa tababarka iyo xiriirinta dilkii weriyihii Mareykanka ee Daniel Pearl ee Pakistan 2002, sida ay sheegeen baarayaasha Mareykanka, wax badan lagama yaqaan Adel. Hase yeeshee, Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Adel uu saldhig ku leeyahay dalka Iran.

Shabakadda barnaamijka ayaa sheegtay in qaraxyadii Afrika ka dib, Kornayl-kii hore ee ciidamada Masar uu u guuray Koonfur-bari ee Iran, halkaas oo uu ku noolaa iyadoo ay ilaalinayaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalkaas.

Ali Soufan, oo hore u ahaan jiray wakiilka gaarka ah ee FBI-da, una qaabilsanaa dabagalka saraakiisha Al-Qaacida, ayaa ku qoray qoraal ay soo saartay xarunta la dagaalanka argagixisada, in xagjirka magaciisa uu macnihiisu yahay “Seefta cadaalada”, lagu tilmaamay in uu yahay qof caqli badan magaciisa dhabta ahna la yiraahdo Mohammed Salahuddin Zeidan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Adel looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii askartii Islaamiyiinta u geysteen Madaxweynihii Masar Anwar Al-Sadaat, xilligaasi oo uu ku jiray ciidan dhoolatus ka dhacay Qaahira.

Adel wuxuu xeryo tababaro ururka u sameeyay Sudan, Pakistan iyo Afghanistan 1990-meeyadii. Waxa uu sidoo kale door ku lahaa weerarkii gaadmada ahaa ee diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay ka geysteen Muqdisho, dhacdadii la magac baxday “Black Hawk Down” ee 1993-dii taasoo lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah, sida ay sheegeen khubarada dhanka ammaanka.

FBI-da ayaa Adel u aqoonsatay mid ka mid ah argagixisada sida aadka ah loo doondoonayo, waxayna ku eedaysay inuu maleegayay dilka muwaadiniinta Maraykanka, dil iyo burburinta dhismayaasha Maraykanka.

Adel waxa uu helay tababaro badan kadib markii uu ku biiray dagaalyahano kale oo Carbeed oo la dagaalamayay ciidamadii Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan, halkaas oo uu ugu dambeyntii madax ka noqday xero tababar ka hor inta uusan noqon sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More