Qaramada Midoobe oo hal arrin ka dalbatay Xasan Sheekh iyo Ruto.

Oct. 26 (Jowhar.com) -Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah siiba Bariga Afrika si loo ilaaliyo tirda sii kordheysa ee dadka ay baro kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada.

Mr Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku khasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.Waxaa kale oo uu sheegay ururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku hanjabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomalida ku jiraan iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootigaa, labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa weli furan , waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay’adaha gargaarka. Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay’adda UNICEF.

Qaramada Midoobe oo hal arrin ka dalbatay labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo Ruto

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More