Rag ka tirsan Daacish oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Oct. 26 (Jowhar.com) -Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo lagu toogtay fagaaraha Iskool boliisiya.

Labadan qof ee la toogtay oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax ayaa lagu helay dilal ay ka geysteen Magaalada Muqdisho & Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobta xukunka dilka ah lagu fulinayay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiinta maxkanadda iyo saraakiil ka tirsan ciisamadda booliska Soomaaliyeed.

Lix ruux ayaa la toogtay mudada kudhow lixda sano ee madaxweyne Xasan Sheekh xafiiska joogo, 4 kamid ah waxey ahaayeen Shabaab iyo Daacish, halka labada kalena ay ahaayeen askar dilal geysatay.

Xabsiyada dowladda waxaa buix dhaafiyay dad kale oo sugaya in lagu fuliyo xadka qisaasta, maadaama ay hore wax u dileen, waxaana la filayaa iney sii socoto fulinta xukumadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More