Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

June 11 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in ay afar ruux ay ku dhinteen labo kalana ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu kadhashay miinada dhulka lagu aaso waxayna qabsatay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah.

Afarta ruux ee dhimatay ayaa ku naf baxday isla goobta uu qaraxu ka dhacay oo u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha iyadoo labada ruux ee dhaawacantayna la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar.

Mootadan ayaa ka tagtay magaalada Jowhar iyadoo wararku ay sheegayaan in ay ku sii jeeday tuulooyin ka tirsan degmada Mahaday.

Waa markii saddexaad oo qarax miino oo ay dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarto oo ka dhaca inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha.

Illaa lix qof ayaa sanadkan gudihiisa ugu dhintey qaraxyada miinada ka dhaca duleedka magaalada Jowhar iyadoo guud ahaan ay gaartay toban ruux oo rayid ah dadka ku dhintey qaraxyadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More