Rag ku eedeysan amni darada Muqdisho ka dhaca oo lagu qabtay degmada Hodan.

June 29 (Jowhar.com)-Ciidamadda booliska qeybta Waliyow-cadde ee gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen xaafado kamid ah degmada Hodan, iyadoo howlgalka lagu galayay guryaha qaar iyo goobaha ganacsiga.

Sida wararku sheegayaan, howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida Xashiis iyo calaq oo aad u farabadan iyo Dhalinyaro lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhaca degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo taliyaha qeybta Waliyow-cadde oo suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dhalinyarada ay ku soo cadaato danbiyada loo heysto, wuxuuna digniin u diray waalidiinta caruurtooda waxa ay qabtaan aan ka warqabin.

Si kastaba, degmada Hodan oo dhacda bartamaha magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee dhaca taleefanada iyo agabka kale loogu geysto dadka shacabka ah, iyadoo cabasho arintaas la xiriirta dhowr jeer ay gaartay taliyaha booliska saldhigga Hodan Xuseen Cadceed iyo gudoomiyaha degmadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More