Rag lagu eedeeynayo inay dilal ka geysteen gobolka Mudug oo la soo qabtay

Wararka ka imanaya dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in howlgal ay fuliyeen ciidamada Galmudug lagu soo qabqabtay illaa toddobo ruux oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay walidiin la tuhumayo inay dhaleen qaar ka mid ah eedeeysanayaasha oo baxsaday.

Waxaa howlgalkaan oo socday muddo toddobaad ka qeybqaatay Maamulka gobolka Mudug iyo saraakiil ka tirsan h ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

Dadkan la soo qabtay ayaa lagu xirey xabsi ku yaal magaalada dhuusamareeb, iyadoo la filayo in la soo taago maxkamad.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka gobolka Mudug iyadoo hore ay dilal ku salaysan aargoosi qabiil uga dhaceen deegaanada laga soo qabqabtay ragan loo haysto dilalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More