Rag u dhashay Uganda iyo Tanzania oo doonayay inay ku biiraan Alshabaab oo lagu xirey Garissa

Aug. 04 (Jowhar.com)- Booliska Kenya ayaa ku xirey magaalada Garissa lix ruux oo shan ka mid ah ay ka soo jeedaan dalka Tanzania halka midka kalana uu u dhashay dalka Uganda, iyagoo doonayay inay soo galaan dalka Soomaaliya kuna biiraan kooxda Alshabaab.

Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay raggan la qabtay Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Waxay sidoo kale sheegeen Booliska in markii su’aalo la weeydiiyay, raggan la qabqabtay inay qirteen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan al-Shabaab.

Xiritaanku waxa uu imanayaa wax yar laba toddobaad ka dib markii mar kale la xidhay saddex nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma oo lagu qabtay Korakora, Garissa, ka dib markii ay dadweynuhu soo wargeliyeen joogitaankooda aagga.

Saraakiisha ayaa sheegay in labo kale oo Tanzanian ah oo kala ah Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25, iyo Sadam Jafari Kitia, 30, lagu qabtay 12-kii July iyagoo gacanta ku haya buug xusuus qor ah oo ku qornaa luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan safarkooda Tanzania ilaa magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya.

Wada shaqeyn dhexmartay hay’adaha amniga iyo shacabka ku dhaqan gobolada Waqooyi ayaa noqday mid wanaagsan, waxaana dadka deegaanku ay noqdeen kuwa diyaar u ah inay xogta la wadaagaan maamulka deegaanka.

“Dadweynaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay sii wadaan la wadaaga macluumaadka hay’adaha ammaanka ee ay khuseyso,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka John Otieno.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay mar walba feejignaadaan oo ay kusoo wargaliyaan booliska cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Booliisku waxa ay sheegeen in uu jiro isbeddel ay ku sheegeen in ay ku jiraan dadka la qorayo ee u safraya in ay ku biiraan Al Shabaab ama Daacish, in la siiyo hab-raacyo safar oo ay kaga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan ama ay dadka weydiiyaan waddada si looga fogaado shakiga.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl wadeenada gaadiidka dadweynaha in ay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.

Laamaha amaanka ayaa kordhiyey dabagalkooda iyo baaritaanada iyadoo waqtiyadii dambe lagu arkay dhalinyaro u socdaaleysay inay ku biiraan kooxaha argagaxisada ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ajaaniibta ku biiraya kooxaha argagixisada ayaa inta badan loo adeegsadaa qaraxyo ismiidaamin ah oo meelo kala duwan ka dhaca, sida ay saraakiishu sheegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More