Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku dhawaaqay Xaalad Deg-deg ah

Aug. 04 (Jowhar.com)-Dowladda federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah ka dib dagaallo maalmo ka socday gobolka Axmaarada kaasoo u dhaxeeyay militariga iyo dagaalyahannada hubeysan ee deegaanka.

“Waxaa loo arkay inay lagama maarmaan tahay in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in dhaq-dhaqaaqan aan la aqbali karin lagu xakameeyo sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo la soo dhigay baraha bulshada.

Hase yeeshee Bayaanka ayaan lagu cadeyn in Xaalada Deg-degga ah ay saameynesyo guud ahaan dalka Ethiopa amaba gobolka Amxaarada oo kaliya.

Dagaaladii ka dhacay guud ahaan gobolka labaad ee ugu dadka badan dalka Itoobiya horaantii todobaadkan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyada Fano iyo ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF).

Fano, oo ah malayshiyaad aan lahayn talis rasmi ah, ayaa ku taageeray ciidamada federaalka dagaal sokeeye oo socday muddo laba sano ah oo ka dhacay gobolka Tigray ee deriska la ah, kaasoo ku dhammaaday xabbad joojin bishii November ee la soo dhaafay.

Dagaalyahanada Fano iyo ciidamada ENDF ayaa Talaadadii iyo arbacadii ku dagaalamay meel u dhow Debre Tabor, sida uu sheegay dhakhtar ku sugan isbitaal ku yaala magaalada iyo sarkaal booliis ah oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Khamiistii, dawladda Axmaarada waxay caawimo dheeraad ah ka codsatay mas’uuliyiinta federaalka si ay u soo celiyaan amarka.

Warqad ay u direen ra’iisul wasaaraha Itoobiya, mas’uuliyiinta gobolka waxay ka codsadeen dowladda inay qaado tallaabooyin ku habboon oo ah in qalalaasuhu ay sababaan dhaawac halis ah oo dhaqaale, bulsho iyo bani’aadanimo.

Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa ka mid ah in jidgooyooyin la dhigo, in la joojiyo adeegyada gaadiidka, in bandow lagu soo rogo, iyo in ciidamada ay la wareegaan meelaha qaar.

Internetka moobilka ayaa go’an gobolka, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ethiopian Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay saddex ka mid ah afarta garoon ee ay ku duuli jirtay gobolka Amxaarada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda Ethiopian Airlines .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More