Ra’iisul wasaare Rooble oo amar culus dul dhigay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

May 23 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo ku socda wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse, xili dalka uu waayadan ku jiray xili kala guur ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada, waxaana la faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More