Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka la wareegayo 8 maalin kadib doorashadiisii.

May 23 (Jowhar.com)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu la wareego xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socotay qaban qaabada munaasabadan.

Sida wararku tilmaamayaan, munaasabada xil waeeejintan oo ka dhaceysa barxada weyn ee madaxtooyada ayaa la filayaa iney ka soo qeyb galaan labada Madaxweyene ee xilka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada, xubno kamida Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa iney madasha ka jeediyaan khudbado diirada lagu saarayo waxqabadka dowladda cusub, iyadoo sidoo kale xubno kamida safiirada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ay xaadiri doonaan munaasabada xil wareejinta.

Si Kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii bishan loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo wareegii saddexaad kaga guuleystay codad aad u tira badan madaxweynaha xafiiska fadhiyay shantii sano ee la soo dhaafay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More