Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay kadib xil wareejintii Farmaajo.

May 23 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

Dib u soo laabashada ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aaday saacado yar kadib markii xilka madaxweyne uu si rasmi ah ula wareegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya uu kamid ahaa shaqsiyaadkii bud-dhiga u ahaa dib u doorashada madaxweynaha cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More