Xasan Sheekh oo shaaciyay xiliga la soo celinayo ciidamadii loo qaaday Eritrea

May 23 (Jowhar.com)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay 8 maalin kadib dib u doorashadiisii ayaa ka hadlay ciidamadii loo qaaday dalka Eritrea iyo xiliga la soo celinayo

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabadda uu xilka kula wareegayay ayaa sheegay iney si deg deg ah uga shaqeynayaan sidii dalka loogu soo celin lahaa ciidamadaasi, si ay uga qeyb qaataan sagaalka dalka Shabaab looga saarayo, isagoo dhinaca kale tilmaamay in askartaasi ay u maqnaayeen qarankooda.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyna cusub oo maanta xilka la wareegay.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo xilka wareejiyay ayaa dhankiisa sheegay in askarta Eritrea jirta ay gaarayaan 5,000 sababta loo soo celin waayay iyagoo tababarka dhameystayna ay tahay cabsi laga qabay iney ku milmaan siyaasada, maadaama xili doorasho lagu jiray.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sida laga warqabo, dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliyeed ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar lasoo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda oo banaanbaxyo ka dhigay Muqdisho iyo gobolada qaar ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More