Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka ka ceyriyay Danjire Francisco Madeira.

April 07 (Jowhar.com)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray warqad uu ku sheegayo in dalka laga eryay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, iyadoo loo qabtay 48 saacadood inuu dalka isaga tgo.

Qoraalka Rooble laguma cadeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa eryida Madeira, walow lagu soo gaabiyay oo kaliya inuu fara gashtay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dalbaday midowga Afrika inuu dalkan u soo magacawdo wakiil cusub, si shaqada ay halkeeda uga sii socoto.

“Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugyenaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More