Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeybgalay Caleemasaarka Madaxweyne Geelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas isagoo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka soo qeybgashay caleemasaarka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna.

Madaxda uu la sheekeystey Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti.

Waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xaggaa iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More