Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku booqday Isbitaalka Xoogga askar dhaawac ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka iyagoo difaacaya dalka iyo dadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu askarta uga mahadceliya sida geesinimada iyo nafhurnimada leh ee ay ugu jilib dhigeen la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed,isagoo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More