Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Qoyska Ikraan iyo Ugaaska Beesha Gaaljecel

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, sida Hooyada dhashay Ikraan, Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi, Xildhibaan Aamina iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda, waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaruhu u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay inay helaan caddaalad, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa war uu soo saaray xalay waxa uu ugu qabtay muddo 48 saacadood ah taliyaha ciidamada nabadsugida inuu faahfaahin ka keeno kiiska Ikraan Tahliil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More