Ciidamo si xoog ah ku kala eryay dad dhigayay banaanbax loogaga soo horjeedo NISA

Ciidamo Booliska ah ayaa waxaa ay rasaas ku kala eryeen dad ka banaanbaxayay warka ka soo baxay hay’adda NISA ee ku saabsan Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Saraakiisha Hay’adda NISA oo Nabadsugida Soomaliya ay sheegeen inay dileen Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ay beeniyeen.

Banaanbaxan oo ka dhacay isgoyska KM4 ayaa waxaa dadkii dhigayay ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ugaga soo horjeedaan hay’ada Nabadsugida warkii ka soo baxay ee ahaa in Alshabaab ay dileen Ikraan Tahliil.

Muuqaalo lagu baabiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkay in Ciidamada ay dhulka lu jiidayeen Wariye ka tirsan Idaacadda & Tv-ga Goobjoog kaas oo lagu Magacaabo Bashiir Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More