Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kumay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ciid

Mar 30 (Jowhar.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Kulankan ayaa waxaa loogaga wada hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga Galmudug, La dagaallanka argagixisada, dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.

Waxaa uu kulankan yimid xilli dhawaan ay soo baxayeen warar sheegaya inuu soo kala dhexgalay khilaaf Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo Ku xigeenkiisa Ciid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More