Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta xafiiskiisa kula kulmay Xuseen Ceydiid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ahna Musharrax Xuseen Maxamed Caydiid.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrax Xuseen Maxamed Caydiid ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, waxaaana ay si gaar ah diiradda u saareen qabsoomidda doorasho nabdoon oo daah furan, ilaalinta dowladnimada, xasilloonida iyo Nabadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay kulamo kaal duwan ula qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta u taagan Qabashada xilka Madaxweynaha, waxaana uu horay u sheegay in xafiiskiisu uu u furan yahay qof waliba oo ka shaqaynaya danaha umadda Soomaaliyeed.

Musharax Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo dhowaan dalka ku soo laabtay ayaa sheegay inuu ka qeybqaadanayo sidii heshiis loogaga gaari lahaa khilaafka hareeyay arrimaha doorashooyinka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More