Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo uga qeyb galayo caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaare Roble ayaa qeyb kanoqonaya madax ka kala socota caalamka gaar ahaan qaarada Afrika oo ka qeybgalaysa munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan dib loo doortay.

Xiriirka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan wanaagsanayn bilihii la soo dhaafay iyadoo dowlada Soomaaliya ay eedeyn u jeedisay dowlada Jabuuti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More