Wasaaradda maaliyadda oo ka jawaabtay eedeyn loo jeediyay

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid Guddiga Fatahaadaha Hirshabeelle taasoo ku saabsan in Wasaaradu ay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay socdaan howlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

Sidoo kale war saxaafadedka ayaa lagu beeniyay inuu Wasaarada Maaliyadda DFS a ay wax dhaqaale ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Halkan ka aqriso War Saxaafadedka ka soo baxay Wasaarada Maaliyadda;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More