Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo ku xigeenkiisa oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Aug 25 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul ku xigeenka Saalax Axmed Jaama.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo ka furmi doona Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaa u joogay howlgalada ay ciidamada dowlada ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa Magaalada Dhuusamareeb  gaaray Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More