Ciidamada Dowlada oo gudaha u galay magaalada Ceelbuur

Aug 25 (Jowhar.com)-Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gudaha u galay degmada Ceelbuur kadib markii saddex jiho ay ciidamada ka weerareen magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa isaga baxay magaalada Ceelbuur kahor intaysan ciidamada gudaha u soo galin.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada gudaha u galay degmada Ceelbuur ay qarxiyeen gaadiid waxyaalaha qarxa laga buuxiyay oo loogaga tagay gudaha magaalada.

Dadkii ku dhaqnaa degmada Ceelbuur ayaa gabi ahaan isaga qaxay, waxa ayna ciidanka magaalada hadda ka bilaabeen howlgalo baaritaano , iyaga oona galay xarumo Al Shabaab magaaladaasi ku lahaayeen.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxidiin ayaa sheegay in ay la wareegeen degmada Ceelbuur ayna qorsheynayaan inay la wareegaan degmada Galhareeri oo ah degmada kaliya ee ay Alshabaab kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.

Magaalada Ceelbuur ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howlgalkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garab-sanay.

Hase ahaatee kooxda AS ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen Ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaa xusid mudan in 9 sano kaddib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More