Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar

Sep 06 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga saarayo AS taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More