Ra’iisul wasaare Xamze oo gaaray magaalada Beledweyn.

Oct. 20 (Jowhar.com) -Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Mr.Xamze ayaa diyaarad ka soo qaatay magaalada Godeey oo uu xalay ku hoyday, isagoo garoonka Ugaas Khaliif ay kusoo dhaweeyeen madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Wafdigan waxaa magaalada Beledweyn uga horeeyay wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Jaamac oo safaro ku kala bixiyay qaar kamid ah gobolada dalka, isagoo dar dar galinayay howlgaalda ka dhanka ah Shabaab.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu Beledweyn ka bilaabo kulamo uu la qaadanayo maanulka Hirshabelle, midka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Tagista ra’iisul wasaaraha ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadeysa xili shalay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmooyinka Buula burde iyo Jalalaqsi uu sababay dhimashada dad gaaraya 20 ruux oo ay ku jiraan Duqii Jalalaqsi iyo gudoomiyihii hore ee degmadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More