Wasiirada Waxbarashada DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo war Murtiyeedka soo saaray

Oct. 20 (Jowhar.com) -Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir looga hadlayay tayeenta waxbarashada dalka, kaasoo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Shirkan oo furmay 16-kii bishan ayaa la soo xiray 18-ka bisha, waxaana shir gudoominayay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoo ay ka qeyb galeen wasiirada Waxbarashada maamul goboleedyada.

Qodobada lagu heshiiyay saddexdii maaoin ee uu shirma socday waxaa kamid ah; in la qabto Shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada, in dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada Qaranka iyo in waalidiinta Soomaaliyeed laga qafiifiyo culeyska dhaqaalaha waxbarashada.

Wasiirada Waxbarashada ayaa ugu danbeyn isku raacay iney joogteeyaan kulamadooda si looga tashado xaaladaha jira, xalna loogu helo caqabadaha heysta waxbarashada dalka.

Halkan hoose ka akhriso war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More