Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo lagu xukumay 3 sano oo xarig ah

Aug. 05 (Jowhar.com)-Maxkamad ku taal Pakistan ayaa saddex sano oo xarig ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore Imran Khan kadib markii lagu helay arrimo ;la xiriiray musuqmaasuq, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Imraan Khaan oo 70-jirka ayaa lagu eedeeyay inuu si khaldan u isticmaalay hadiyado ku jira gacanta dowladda oo qiimahoodu ka badan yahay 140 milyan rupees oo u dhiganta ($ 635,000).

Khan ayaanan joogin maxkamada dhageysiga dacwada, balse wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in qareenkiisa uu sheegay in ra’iisul wasaarihii hore lagu xiray Lahore.

In ka badan 150 kiis ayaa loo soo jeediyay isaga tan iyo markii xilka laga tuuray bishii Abriil ee sannadkii hore. Khan ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

Khubarada sharciga ayaa sheegaya in xukunka kiiskaan uu soo afjari karo fursadaha uu kaga qeyb qaadanayo doorashooyinka qaranka ee la doonayo in la qabto bisha November ee soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More