Raila oo ballanqaaday in dib loo furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya hadii la doorto

June 26 (Jowhar.com)-Mid ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Kenya Raila Odinga ayaa ballanqaaday in uu dib u furi doono xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee xiran haddii la doorto 9ka Ogosto.

Raila ayaa sheegay in xadka la furi doono si loo suurtageliyo isu socodka ganacsiga labada dal xilli uu qudbad u jeedinayay taageerayaashii oo isugu soo baxay garoonka Moi Stadium ee magaalada Mandhera.

“Waa in aan meel marinaa wax walba oo looga baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada ka socda xadkan si aan si xor ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya,” ayuu yiri.

Musharaxa Madaxweyne ee Azimio oo ay wehlinaysay ku xigeenkiisa Martha Karua iyo madax kale ayaa balan qaaday in ay xaqiijin doonaan amaanka Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Gobolka ayaa waxaa weli ka taagan dhibaatooyin ay ka mid yihiin weerarrada maleeshiyada Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd Khamiistii markii dabley hubaysan ay joojiyeen bas soo galayay Mandheera ugu yaraan laba saacadoodna ay casharro u jeedinayeen rakaabka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka si dalka intiisa kale loo gaarsiiyo.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dhismaha socda ee mashruuca Geeska Afrika kaasoo isku xiraya Isiolo, Wajeer oo ku eg Mandheera ilaa magaalada Ceelwaaq.

Dhanka Mandheera, hogaamiyaha ODM ayaa sheegay in dowladiisa ay dhisi doonto wadada isku xirta Mandheera-Takaba iyo Mooyaale si loo fududeeyo kharashka ku baxa ganacsiga.

Hogaamiyayaasha gobolka oo uu horkacayo barasaabka Mandheera Ali Roba ayaa si joogta ah uga codsaday dowladda qaranka inay dib u furto xuduudka iyagoo sheegay in xidhitaankeedu aanu kaliya waxyeelo u gaysanayn ganacsigii u dhexeeyay dalalka dariska ah balse ay saamaynayso dhaqaalaha gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, codsiyadooda tirada badan weligood midho badan kama dhalin.
Dowladda ayaa xirtay xadka sanadkii 2014-kii kadib weeraro badan oo ay soo abaabuleen Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More