Baarlamaanka oo cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada

Golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida siiyay xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble kulankii maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.Ra’iisal wasaaraha oo la hadlay xildhibaanada golaha shacabka ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto dardargalinta hawlaha doorashada, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso, la dagaalanka cudurka Covid-19, adeegga bulshada, cadaaladda iyo dawlad wanaagga.

Sidoo kale Xukuumadda ayuu xusay inay mudnaan gaar ah siindoonto ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan difaaca Haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha u xilsaaran difaaca dhibanayaasha.

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 188-mudane, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Golaha wasiirada oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal wasaaraha dalka magacaabay 19-kii bishan ayaa lagu hor dhaariyey golaha shacabka, waxaana ay dhawaan xubnaha ku cusub xukuumaddu ay la wareegi doonaan xilal kooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More