Rooble oo amray in Ammaanka Teendhada Afisiyone la wareegaan Ciidamada ATMIS

April 26 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in ciidamada howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS inay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, oo berri lagu qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri;”Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota. ”

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu cadeeyay in cidda ay la shaqeyn doonaan Hoggaanka ATMIS inta ay doorashadu socoto;

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.”

Ugu dambeyntii waxaa qoraalka lagu xusay in liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone uu soo gudbinayo guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More